Wednesday, July 1, 2009

Horumarka ka socda degmada hadaftimo



















































































































































































































anigoo ah enginer ahmd hassan ahmed (naaji) waxaan aad ugu faraxsanahay horumarka ay gadhay degmeda hadaaftimo o ka tirsan gobolka sanaag .waxan ku dhashay magalada hadaaftimo halkaas oo aan ku soo barbaray malcamada iyo schoolna ka soo dhigtay.waxaa jira rag badan oo aan asxaabnahay oo dafaha caalamka ku kala fiday.hada mudadii aan ka soo maqnayn degmada hadaaftimo maxaa iska bedelay. hada warbixintan kooban aan ku eegi doona magalada hadaftimo












































waa magaale nooce ah hadaaftimo












































magalada hadaaftimo waa magaalo ku taala badhtamaha gobolka sanaag waxay xuduud la ledahay magaloyinka badhan yubbe ceerigaabo. waa magaalo cimilo ahaan aad u degen oo qofka naftiisu jeclaysanayso.magalada hadaaftimo waxaa ku nool poplulation dhan 20.000 ilaa 30.000 inta u dhaxaysa.magalada waxay ledahay waxbarsho heer dugsi sare ah . waxaa kaloo ka mida social serviceka magalada koronto 24hr ah taleefano land line iyo mobile ah. waxaa kalooo magalada ka furan xarumo internet cafe ah ,magaaladu waxay kaloo ledahay xarumo cafimaad oo aad u badan iyo weliba MCH guud oo magaladu leedahay. magalada waxa ka hawl gala xawalado aad u fara badan sida,Dahabshiil,Amal express,Tawakal,Qaran,mustaqbal iyo weliba kuwa kale. magalada waxay ledahay 3 stadium oo dhamantood camiran oo sports clubs ay ku ciyaran lagana soo dhex doorto xulka magalada.magalada hadaaftimo waa magalo aad heer uga gadhay dhinaca sportiga dhowr jeer ayeyna hanatay horyaalka gobolka iyadoo soo sartana dhalinyaro leh xirfad iyo weliba aqoon dheer .magalada wax warshado ah kama furna,lakin mustaqbalka aya la rajaynayaa in laga hirgeliyo mashaariic maglada insha alah.magalada hadaaftimo waxaa weeye magalada 4 ee ugu weeyn gobolka sanaag.hadaba horumarka hadaaftimo waxay sugaysa aqoonyahanadedii oo ka gabiyey wax qabadkii maglada iyo jaaliyadaheda dibada ooo laftoodu aan wax lataban karo u qaban degmada.
























Warbixin ku saabsan Schoolka H/Dhexe iyo Secondaryga ee Magaalada Hadaaftimo ee G/Sanaag [+Sawiro]
























Iskuulkan oo taariikh weyn kuleh bulshada degmada hadaaftimo. waxaa la asaasay iskuulka hadaaftimo 1963-kii waxaana lagubilaabay hal fasal iyo xafiis, waxkhtigii xukuumadii maxamed siyaad barre markay taariikhdu ahay 1972 ayaa waxaa lagudaray labo fasal taasootirada kadhigtay sadex fasal iyo hal xafiis, mudo yar kabid waxaa lagu daray sadex fasal.oo kale.
ilaa dhismihiisii fasalka 1aad ilaa kii lixaad waxaa lagu dhisay iskaa wax uqabso waxaana dhisay bulshada kunool degmada hadaaftimo. iskuulkan ayaa kamid ahaa iskuuladii ugu horeeyey oo laga asaaso Gobolka Sanaag waxaana kabixijiray dadka ugu heerka sareeya xaga tacliinta. burburkii kadib sanadku markuu ahaa 1995 waxaa dayactir kusameeyey hay'ada Johaniter isagoo markaa dhismihiisu ahaa 6 qol iyo xafiis. waxaa iyana 4 fasal kubiiriyey jaaliyada debeda USA , UK iyo CANADA sanadku markuu ahaa 2007 bishii 9aad. iskuulkan oo taarikhdaa sooyaalka ah leh ayaa waxa uu yahay dugsiga hoose dhexe halka dugsiga sare uu ka gooni yahay.
tirada ardayda guud waa 488 waxaa wilal ah 304, waxaana gabdho ah 184. Tirada macalimiintu waa 14 macalin .

maamulaha dugsiga hoose sare xuseen cabdi wadaad ayaa halkan ku soo bandhigaya waxqabadka jaaliyada debeda iyo baahiyaha iskuulka, waxa uuyiri sidan:- Marka hore waxaan uga mahad celinayaa jaaliyada debeda qaybta USA, UK iyo CANADA, dadaalka ay noogu dhiseen 4 fasalwaxaana baahidayada ugu weyn kamid ah:-
1-fasalada iskuulka oo aan ardayda kufilayn, loona baahanyahay uguyaraan 4 fasal oo kale , fasalada hada noo shaqeeyaa waa 10 fasal iyo labo noo kireysan ardauna waa labo shift, gelinka hore iyo gelinka danbe.2- waxaa sidookale aad ugu baahanahay musqulo, berkad, iyo deyr.3- mushaharka macalimiinta oo aan kaafiin fiiga laga qaado ardayda iskuulka, ayna ubaahanyihiin kabis iyagoo labada gelinba shaqeeya, intaa waxaa raaca macalimiinta dugsiga sare oo aanu debeda ka keenay kharash badanina kubaxo.4-sanad dugsiyeedkan 2008-2009 oo ah sanadka ugu culays iyo baahi badan sababtuna tahay secondary-ga oo ku soo kordhay dugsigii hoose, waxjaaliyada naga soogaarayna majiraan marka laga reebo 200$ oo naga soogaaray Muuse Axmed Sanyare( jaaliyada Holand) iyo 200$ naga soogaaray C/Naasir Axmed Hindi( jaaliyada australia) 5- anagoo aan haysan agabka waxbarashada dugsiga sare sida computers iyo maktabad.waxaan dhamaan ka codsanayaa jaaliyada debeda in ay wax nagala qabtaan baahida yada kor kuxusan magacyada macalimiinta oo dhan1- Xuseen Cabi Wadaad ( maamulaha dugsiga hoose iyo kan sareba )2- Maxamed Cali Amiike ( maamule kuxigeen)3- Maxamed Ibraahim Rabisahal4- Siciid Maxamed Cashare5- Cali Xuseen Soomaali6- Cumar C/llahi Maxamed7-Aadan Maxamuud Jibriil8-Maxamuud Aadan Axmed9- cawil Cawed Cabdi10- Faysal Maxamed Cabdi11-Siyaad Maxamuud Faarax 12- Cali Maxamed Nuur13-Faadumo maxamuud Maxamed (xamuurad) 14- C/kariiin faarax xasan
Daawo Sawira kale
Qaar ka mid ah Macalimiinta Schoolka
Xuseen Cabdi wadaad (Maamule) iyo Maxamed Cali Amiike ( maamule kuxigeen)
























Warbixin ku saabsan MCH ka magaalada Hadaaftimo ee G/Sanaag [+sawiroWarbixin ku saabsan MCH ka magaalada Hadaaftimo ee G/Sanaag [+sawiro
















MCH-ka degmada Hadaaftimo waxaa ladhisay sanadku markuu ahaa 20-kii June 2002. MCH-kan oo aan aad dadka kunool dagmada Hadaaftim iyo nawaxigeeda aan uga haqabtirin baahida caafimaadka ay u qabaan bulsahada ku nool degmada hadaaftimo iyo nawaaxigeeda duruufo jira awgood.
shaqaalaha MCH-ka ayaa waxay ugu adeegaan dadkooda si tabaruc ah iyagoo wax dhaqaala ah ama taakulayn ah meela kahelin ayna go'aan sadeen in ay dadkooda ugu khidmeeyaan si tabaruc ah inta aykaelayaan himalada ay hiigsanayaan.

Cali Jaamac Axmed( maamulaha MCH-ka ahna dhakhtarka magaalada)
MCH-ku waxaa uu leeyahay qolal dhan:-1-office(xafiis)2-OPD (qolka bukaan socotada waaweyn)3-Vaccination (qolka tallalka)4-UNDER 5YRS(Qolka daaweynta caruurta kade'yar shan sano)5-ANC/PNC(qolka dhalmada hooyada uurka leh iyo tansida)6-PHARNACY(qolka daawada)7-qolka waardiyaha8- iyo sadex musqulood maamulaha MCH-ka ahna dhakhtarka magaalada Cali Jaamac Axmed ayaa waxa uu sharaxayaa baahida MCH-ka wuxuuna yidhi sidan:-
"baahida MCH-ka nagahaysta waxaa kamid ah1- agabka caafimaadka oonaguyar ama aan casri ahayn2- mushahar la'aan dhamaan ku baahsan shaqaalaha caafimaadka , iyadoo aysan jirin dawlad dhexe ama maamul goboleedyo siiya kabis ama mushahar kaamil ah.
3- daawada oo aan na kaafiyin, tusaale ahaan sadexdii bilood mar ayaanu xoogaa UNICEF kahelaa. markaa waxaan ugu baaqayaa dhamaan jaaliyada debeda in ay wax nagala qabtaan baahidayada, maadaama uu gobolkasta iyo magaala kasta ay ku dhisan yihiin jaaliyadiisa debeda. waxaan mobile -kayga siinayaa cid kasta oo danaynaysa in ay xogna kahesho waxna naga qabato baahida jirta. 0025290726410. tirada shaqaalaha caafimaadka1- Cali Jaamac Axmed( maamulaha MCH-ka ahna dhakhtarka magaalada)2- Daahir Xaaji Maxamed( dakhtar kahawlgala MCH-ka)3-saynab maxamed bootaan (umuliso)4-Aamino Xuseen Jaamac(kalkaaliso)5-Khadro Maxamed Xasan(kalkaaliso)6-Maxamed Xuseen Soomaali
Daawo sawiro kale

Daahir Xaaji Maxamed( dakhtar kahawlgala MCH-ka)




Ururada Haweenka ee Hodman iyo Horseed ee Magaalada Hadaaftimo oo samaystay Dallad ay ku midaysan yihiin [DAAWO SAWIRO]




waxaa ka dhacday hoolka shiraraka ee dugsiga sare ee h/timo xaflad aad loosoo agaasimay oo ku midoobeen ururo hore uga shaqayn jiray degmada hadaaftmo ururadaas oo la kala yidhaahdo hodman iyo horseed ,
waxaa xaflada kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo u badan haween maadama ay yihiin labada urur ee midoobay ururo haween dadka xafladaasi kasoo qaybgalay waxaa ka mid ahaa guduumiyayaasha saddex urur haween oo kale oo ka jira magaalada iyagoo balan qaady inay la midoobi doonaan ururadasi waxaa halkaasi ka hadashay oo khudbad qiimo leh kasoo jeedisay gabadha iska lahayd midawga labadan urud marwo SAYNAB SHIRE MAXAMED SAALAX iyada oo sheegtay in lasoo dhaafay waqtigii iskala faquuqa lana marayo waqtigii midawga ayna balan qaadayso ka marwo ahaan wixii kaga haboon arimahakan oo kale inay ka shaqayn doonto sida ugu haboon .
sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay gudoomiso sahra cabdi xuseen oo iyadu balan qaadan inay kusoo biiri doonto ka urur ahaan sida ugu dhakhsaha badan 'waa markii ugu horaysay oo ay ka dhacdo degmada xaflad noocan oo kale ah hase yeeshee waxay balan qaadeen masuuliyiintii madasha isugu yimid inay soo agaasimi doonaan sidii ay xaflad tan oo kale ah oo ku midoobayaan dhamaan ururada kale ee ka jira degmada usoo qabanqaabin lahaayeen .



sida ugu dhaqsaha badan iyadoo sheegay inay ku dayasho mudantahay arimaha noocan oo kale ah Aadan maxamuud jibriil [Aden Derbi]
Hadaaftimo
Hadaaftimo Media Media